Ciidamada DF oo howlgal ‘isbaaro qaadis’ ah ka sameeyay wadada xiriirisa Muqdisho & Baydhabo

9

Howlgal si wadajir ah ay uu sameeyeen Ciidanka  kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Daraawishta Koonfur Galbeed ayaa dhamaan loogu qaadey isbaarooyinkii yaalay wadada Xariirisa Baydhabo iyo Muqdisho.

Howlgalkan oo uu horkacayey wasiirka Amniga Koonfur galbeed ayaa waxaa qeyb ka ahaa wasiirka Arrimaha gudaha Taliyaha Ciidanka Daraawishta,Sarakiil ka kala socdey Ciidamada Xoogga Dalka .

Inta uu socdey Howlgalkan isbaara qaadista ah ayaa waxaa ciidamadu ku gubeen isbarooyinka kala ah Balow,Daa’uud Buulle,Isbaaro Taraafico iyo dhufeysyo meleshiyaad beeled ay ka sameysteen gudaha Degmada Walanweyn,

Mudada uu socday howgalkan waxaa ciidamada huwanta ah gacanta ay ku soo dhigeen askar si sharci daro ah lacago ugu qaadayey Gadiidka isticmala waddooyinka muhiimka u ah Gobolka iyo guud ahaan dalka.