Cumar Filish oo sheegay in amni darada ka jirta Muqdisho ay ka dambeeyaan gacmo shisheeye.

11

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filsih) ayaa sheegay in ay kordheen falalka amni daro oo ay ka mid yihiin qaraxyada ka dhacaya goobaha ay dhalinyarada isku yimaadaan loona baahan in laga taxadaro.

Cumar Filish ayaa ka dalbaday dhalinyarada kunool Caasimadda in ay ka qeyb qaataan sugitaanka Ammaanka Magaalada Muqdisho si looga hortaggo qaraxyada iyo dilalka Muqdisho ka dhaca.

Guddoomiyaha ayaa ku eedeeyay in falalka Amni  daro in ay ka dambeeyaan gacmo shisheeye oo Qarsoon, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in loo midoobe sidii looga hortagi lahaa falalka amni daro ee ka dhaca Magaalada Muqdisho.