Lafta-gareen oo ka hadlay dhibaatada haysata Soomaaliya

13

Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu ka hadlay dhibaatada xiligan haysta Soomaaliya, islamarkaana ay horumar ka u gaari la’yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Lafta gareen ayaa  sheegay in dhibaatada  weli ka jirta Soomaaliya ay tahay qabiilka, isagoona tilmaamay in aysan waxba isku quurin, islamarkaana taasi ay keentay in dalka ay u horseeday inuu meel xiligan soo gaaro.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay door wanaagsan ka qaateen dowlad dhisida, isagoona sheegay inuu rajo wanaagsan ka muujinayo in dalka uu gaaro horumar.

Madaxweynaha maamulka koonfur Galbeed ayaa hadalkan waxaa uu sheegay kadib markii uu ka qeyb galay munaasabada 1da luulyo oo lagu qabtay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.