RW Rooble oo tababar u furay guddiyada doorashooyinka

7

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa tababar u furay Guddiyada Doorashooyinka Dalka heer federal iyo heer dawlad goboleed.

Tababarkaan oo daba socoda jadwalkii doorashada ee ay ku heshiiyeen Ra’iisul wasaaare Rooble iyo madaxda dowlad gobolleedyada ayaa lagu wadaa in uu socdo muddo afar cisho ah.

Ra’iisul Wasaare Rooble, ayaa gudiyadda kula dardaarmay in ay si daahfuran oo caddaalad ah u maamulaan hawlaha doorashooyinka ee loo igmaday.

Guddiyadan ayaa waxaa horyaalla howlo muhiim ah oo ay ugu horreeyaan qabashada doorashada labada aqal iyo tan madaxweynaha dalka.

Doorashada madaxweynaha ayaa la qorsheeyay in ay dhacdo 10 bisha October ee sannadkaan.