Diyaar garow ku aadan maalmaha xorriyada oo laga dareemayo dalka

25

Xuska toddobaadka maalmaha xoriyadda ayaa si weyn looga dareemayaa guud ahaan dalka Guddiga qaban-qaabada Xuska Todobaadka maalmaha xoriyadda ee uu magacaabay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federalka Soomaliya oo ku gudo jira diyaarinta goobaha munaasabaduhu ka dhacayaan ayaa hawshoodu maraysaa heer gabo gabo ah.

Suuqyada magaalooyinka waawayn ayaa laga dareemayaa samxada maalmaha xoriyadda sidoo kale wadooyinka ayaa lagu arkayaa sameecadaha iyo shaashadaha lagala socon doono xafladdaha xuska toddobaadka maalmaha xoriyadda,xarumaha muhiimka ah sidoo kale wadooyinka waaweyn ayaa lagu arkayaa calanka Soomaliya oo si farshaxamaysan loogu sawiray goobaha qaarna la dul sudhay.

Toddobaadka maalmaha xoriyadda Soomaliya ayaa ka bilowda 26-kii June 1960 oo goboladii waqooyiga ka hoos baxeen xukunka maxmiyadii Boqortooyadda ingiriiska,ka dib markii halgan xornimo u dirir boqortoyadu kala kulantay shacabka deeganadaas oo uu hormuud u ahaa xisbi Siyaasadeedkii ugu horeeyey oo la aasaasay dhulka Soomaalida sanadii 1935 ee SNL, halka gobolada koonfurta xoriyadooda ka qaateen 1-Julay 1960, Gumaystihiii Talyaaniga, dalka Jabuuti yahay goobtii ugu dambaysay ee dhul Soomaaliyeed xoriyad qaadata iyadoo maalinta 27-June 1977 xoriyadooda ka qaatay Gumaystihii Faransiiska.