Ciidamada booliska Kenya oo baadi-goob ugu jira rag la af-duubtay.

8

Booliska kenya ayaa ka baadi goobaya Koonfurta Magaalada Mandera laba rag oo iyagu ka shaqeenayay dhismo laami ah kuwaa oo la rumaysan yahay inay af-duubteen dagaalamayaal katirsan Al-shabab oo weeraray deegaanka dhismaha laamiga uu ka socday isniintii lasoo dhaafay.

Kuxigeenka Gudoomiyaha Magaalada Mandhera Nyamboga Mounda ayaa warbaahinta u sheegay in baadi goobka ragaasi uu wali socdo waxaana lagu kala magacaaba Ali Mohamed iyo Kerow Adan Abdi.

Mr Mounda  ayaa sheegay in dagaalamayaasha ay weerar xooggan ku qaadaan goobtii ragan ay ka howlgalayeen iyagoo dab qabadsiiyay gaari shaqada ku jiray.

Booliska Kenya ayaa hadda ku gaaf wareegaya deegaanka dhinaca Koofurta Mandera oo ay rumaysan yihiin in dagaalamayaasha Al-shabaab ay ragaasi ku haystaan.

Dhowr jeer ayay Al-shabab dad iyo gawaariba siyaabo kala duwan uga soo afduubteen Kenya kuwaasi oo markii dambe Gawaarida weeraro kaga geystay Kenya.

Marar badan ayay dowladda kenya sheegtay in ay dalkeeda ka sifeyneyso dagaalamayaasha al-shabaab kuwaasi oo si joogta ah qaraxyo iyo dilal qorsheysan uga geysta.