Magacyada dadkii ka dambeeyay dilka wadaad caan ah oo lagu dilay magaalada Gaalkacyo oo la shaaciyey.

8

Gudigii madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor uu u magacaabay baarista dilkii loo gaystay Sheikh Cali Axmed Faarax (Sheikh Cali dheere) ayaa natiijo hor-dhac ah ka soo saaray baaristii ay wadeen mudadii loo igmaday.

Xeer ilaaliye ku xigeenka maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya gaashaanle Muumin Xuusen Cabdullahi oo kamid ahaa guddi uu madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug u saaray baarista dilkii loo geystay Sheikh Cali Axmed Faarax (Sheikh Cali dheere) ayaa sheegay in guddiga ay soo saareen qodob hor-dhac ah oo kasoo baxay baarista dilkaas.

Xeer ilaaliye ku xigeenka maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa laamaha amaanka maamulada Galmudug iyo Puntland ugu baaqay iney ka shaqeeyaan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dadkii ka danbeeyey dilkaas, isaga oo intaas hadalkiisa ku sii daray in  saraakiisha amaanka Galmudug ee gobolka Mudug lagula xisaabtami doono dayacaad uu tilmaamay iney geysteen waqtigii uu dilka dhacaayey.

Sidoo kale waxa uu shaaca ka qaaday magacyada qaar kamid ah dadkii ka danbeeyey dilka loo geystay Sheikh Cali Axmed Faarax (Sheikh Cali dheere) oo uu kamid yahay dable Bool Cabdixakiin Cabdisalaan Aadan (Hindhiso) kaas oo ka tirsanaa ciidamada booliska degmada Gaalkacyo sidoo kalena ay dilkaas gacan ka geysteen eedeysanayaasha kala 1 Siciid Cabdi Xidig, iyo mid kale oo magaciisa lagu soo koobay ina Baalbaal.

Xeer ilaaliye ku xigeenka ayaana sheegay iney ragaas markii uu dilka dhacay kadib ka baxsadeen goobtii uu falka ka dhacay islamarkaana waxa uu laamaha amaanka maamulada Puntland iyo Galmudug ku amray iney si deg deg ah ku soo qabtaan eedeysanayaashaas islamarkaana la hor keeno xafiiska xeer ilaalinta si cadaaladda loo mar siiyo.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in guddiga ay u soo baxday in saraakiisha booliska ee qeybta Mudug iyo xafiiska la dagaalanka argagaxisada ee booliska Galmudug ay sameeyeen waajib gudasho la’aan la xiriirta dilkaas islamarkaana laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan sida uu sheegay Xeer ilaaliye ku xigeenka maxkamadda ciidamada qalabka sida.