Rai’sul wasaarahii hore ee Israa’iil oo gubay dikumiintiyo sir ahaa

20

Rai’sul wasaarahii hore ee Israa’iil ayaa la sheegay in uu gubay dikumiintiyo sir ahaa oo xafiiskiisa yaalay.

Matxafka ra’iisul wasaaraha Israa’iil waxaa burburiyey nin uu ku amray in falkaasi uu fuliyo, iyadoo la sheegay in Mr Netanyahu uu qof ku amray inuu gubo dhammaan dukumiintiyada xafiiskiisa ka hor inta uusan xafiiska baneyn.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa ku warramaysa in dukumintiyada dab la qabadsiiyay maalinkii ugudambeyay ee uu xafiiska ka tagayay Mr Netanyahu, saacado uun ka hor markii uu xukunka la wareegay ra’iisal wasaaraha cusub ee Israel, Naphtali Bennett.

Sharciga Israa’iil wuxuu mamnuucayaa gubista ama burburin dukumiintiyada taas badalkeedana wuxuu qeexayaa in dukumiintiyada noocaas ah lagu keydiyo meel aamni ah oo ka tirsan xafiiska rai’sul wasaraaha.Sida uu dhigayo sharciga maaraynta dukumiintiyada, ra’iisul wasaaraha iyo kaaliyeyaashiisa aadka ugu dhow ayaa loo oggol yahay inay arkaan dikumiinyadan sirta ah.

Rai’sul wasaaraha cusub ee Israa’iil ayaa xafiiska la wareegay Isniintii.