Madaxweynaha koonfur galbeed oo sheegay iney adkeyn doonaan amniga goobaha doorashadu ka dhaceyso ee maamulkaas

13

Madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay  kadib safar shaqo oo maalmo qaatay uu ku joogay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka iyo dalka Turkey.

Madaxweynaha ayaa Muqdisho kaga qeyb-galay shirkii madasha wadatashiga Qaran ee doorashooyinka dalka taasi oo heshiis lagaga gaaray hanaanka doorashada soo socota ee dalka ka dhici doonta.

Laftagareen, ayaa sheegay  inay si weyn u adkeyn doonaan amniga labada Goobood oo ay ka dhacayaan doorashooyinka labada Aqal ee Magalooyinka Baydhabo iyo Baraawe islamarkaana ay diyaar u yihiin doorasho hufan oo dalka ka dhacda.

Masuuliyiin katirsan labada gole  ee dowladda iyo dadweyne kala duwan ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha dr shaati gaduud ee magaalada Baydhabo.