Banaanbaxyo balaaran oo looga soo horjeedo Duqeymaha Diyaaradaha Kenya ee Gobolka Gedo oo ka kala dhacay degmooyinka Gobolka.

5

Banaanbaxyadani oo ay soo abaabuleen Maamullada degmooyinka Gobolka ayaa maanta waxay ka kala dhaceen guud ahaan degmooyinka Gobolka Gedo,Boqolaal dadweyne ah oo ay ku jiraan Qeybaha kale duwan Bulshada ayaa ka qeyb galey Bananaanbaxyada ,kuwaasi oo dareen kooda ku muujiyey sida ay ugu xunyahiin Diyaaradaha Ciidamada Kenya oo 9 sanno ee ugu dambeeyey Duqeynayey ka geysaneyey goobaha shacabka.

Qaar ka mid ah Waxgaradka Degmada Baardheere oo ka hadley Baxanabaxa maanta ka dhacay ayaa sheegay in aan la fiirsan doonin waxii maanta ka dambeeya Duqeymaha iyo Dilalka ay geysanayaan Ciidamada Kenya diyaaradahooda.

Gebagebadii banaanbaxa ayaa waxaa ka hadley Maamulka degmada Baardheere waxay si kulul u weerareen Ciidamada Kenya iyo tacadiyada ka baxsan Xaquuqal insaanka ee ay geysanayaan inaan marnaba loo dulqaadan doonin.

3dii Bishan Juun ayey ahayd Markii diyaaradaha Kenya ay Duqeynta ka geysteen degmada Ceelcade,iyadoo halkaasina ay ku dhinteen Hooyo iyo Wiilkeeda,halka ilaa afar caruurna ay si xun ugu dhaawacmeen.