Banaanbax looga soo horjeeday duqeymaha Kenya ka geysteen G/Gedo oo ka dhacay gobolkaas.

23

Banaanbax looga soo horjeeday duqeymaha ay ciidamada dowladda Kenya dhawaan ka geysteen qeybo kamid ah gobolka Gedo ayaa maanta waxaa uu ka dhacay magaalada Garbahaarey.

Banaanbaxaas ayaana waxaa kasoo qeyb galay qaar kamid ah mas’uuliyiinta gobolka oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buulle Maxamed ( Canjeex)  Sidoo Kale Masuuliyiin Sar sare oo ka qeyb galay banaanbaxaas ayaa sheegay in waxa ay ciidamada Kenya ka wadaan gobolka Gedo ay tahay wax aan loo dulqaadan karin islamarkaana loo baahan yahay in lagula xisaabtamo.

Dhawaan ayey ahayd markii madaxda maamulka Jubbaland ay dowladda Soomaaliya ugu baaqeen in baaritaan dheeri ah lagu sameeyo duqeymihii ay diyaaradaha Kenya dhawaan ka geysteen qeybo kamid ah gobolka Gedo.

Dadkii uu dhaawaca kasoo gaaray duqeymahaas ayaana waxaa loo soo qaaday magaalada Muqdisho si loogu daryeelo kuwaas oo u badnaa caruur.