Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Soomaaliya oo kormeerey xaruumaha caafimaad ee Magaalada Baydhabo

18

Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Dr. Axmed Xuseen Macalin Dr. Gurrey aya kormeer indho-indheyn ah ku tagay isbitaalada Magaalada Baydhabo, sida isbitaalka degmada Baydhabo iyo kan gobolka Baay oo labaduba ka mid ah xarumaha muhiimka u ah adeeg bixinta Caafimaadka Gobolka.

Kormeerkan oo wasiir kuxigeenka ay ku wehliyeen, Wasiirka Caafimaadka KGS Maxamed Cusman Xaaji Jiidow, wasiir kuxigeenka Wasaaradda Cafimaadka KGS Cusmaan Cabdi Muuse, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka KGS Dr. Xuseen Maxamed Daahir iyo Mas’uuliyiin kale ayaa ku qotomay ogaanshaha adeegyada ay bixiyaan xarumahan, baahiyaha u baahan wax ka qabashada ee kajira qaybaha kala duwan ee isbitaaladan iyo in la wadaago talooyinka la xiriira sidii loo hormarin lahaa adeega aas-aasiga ah ee caafimaadka Deegaanada KGS.

Dowladda Soomaaliya oo kaashaneyso Maamul Goboleedyadda dalka ayaa dadaal ugu jirto sidii loo hormarin lahaa adeegyadda ay u baahan yihiin shacabka Soomaaliyeed oo uu ugu horeeyo adeega caafimaadka oo muhiim u ah Shacabka Soomaaliyeed.