DFS oo soo dhaweysay duulimaadyo maanta ka yimid Kenya

4

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee Soomaaliya Duraan Axmed Faarax,, ayaa faahfaahin ka bixiyay duulimaadyada maanta ka yimid Kenya ee soo gaaray magaaada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in farsamo ahaan loo furey hawada Soomaaliya duulimaadda ka imanaya Kenya.

Wasiirka ayaa intaa ku darey in iyagu ay ku eg yihiin awood ahaan dhanka farsamada, halka jaangoynta siyaasadda ay dowladda u qaabilsan tahay wasaaradda arrimaha dibadda.

Waxaa saaka dib u bilowdey duulimaadyadii tooska ahaa ee labada wadan ee Kenya iyo Soomaaliya kadib markii dawladda Kenya ay qaaday xayiraadii ay ku soo rogtay bishii May.

Xiriirka labada dal ayaa sii xumaanayey dhawrkii sano ee uggu dambeeyay, iyadoo labada dhinac midba midka kale uu ku eedeynayey mas’uuliyadda dhibaatada ka dhex aloosan.