AL-shabaab oo weeraro kala duwan ka geystay gobolada Jubbada hoose iyo Galgaduud

25

Wararka ka imaanaya deegaano ka tirsan gobolada Galgaduud iyo jubbada hoose ayaa sheegaya in dagaalamayaasha AL-shabaab ay weeraro kala duwan la beegsadeen ciidamada Jabuuti iyo kuwa Kenya ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

AL-shabaab ayaa sheegay in weeraradaas ay  ku qaadeen saldhiga ciidamada Jabuuti ay kaga suganyihiin degmada Dhuusa mareeb, Waxaa halkaas ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan sida ay AL-shabaab ku sheegeen qoraal ay ku baahiyeen baraha ay ka isticmaalaan mareegta internetka.

Sidoo AL-shabaab ayaa sheegay weeraro ku qaadeen saldhigyada ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaanada Qooqaani iyo jaziiradda Kudhaa ee gobolka Jubbada hoose.

AL-shabaab dagaaladaas kuma shaacin khasaaraha ka dhashay balse AL-shabaab ayaa inta badan weeraro kala duwan ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee magacooda loo soo gaabiyo AMISOM.

Taliska ciidamada amisom kama hadlin weeraradan ay sheegteen in al-shabaab ku qaadeen saldhigyada ciidamada amisom ay ku leeyihiin gobolada Galgaduud iyo jubbada Hoose.