XFS oo Siyaasiin ku eedeysay iney buun buuniyaan arinta dhalinyarada Eritrea tababarka loogu qaaday

2

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, xukuumadda Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa beeniyay warbixinta baaraha guddiga xuquuqul insaanka Qaramada Midoobey oo dhowaan soo saaray taas oo lagu sheegay in ciidan Soomaaliyeed oo tababar loogu qaaday dalka Eritrea ay ka qeybgaleen dagaalkii ka dhacay gobolka Tigraay ee dalka Ethiopia.

Waxaa uu sheegay in warbixinta Qaramada Midoobay aysan heysan wax daliil ah uu tusaya waxa ay sheegayaan, isaga oo intaas ku daray in siyaasiyiin dano gaar ah ka raadinaya ay arrintaas buun buuniyaan.

Wasiir Dubbe, waxaa uu tilmaamay in ciidanka Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea uusan ka qeybgalin dagaalka Itoobiya isla markaana aaney jirin baahi arrintaas loo qabo.

Cismaan Abuukar Dubbe, waxaa uu sheegay in siyaasiyiinta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa mucaaradka ah ee maalin kasta ka hadla arrinta ciidanka Eritrea jooga aysan marna soo hadal qaadin dhibaatada Kenya ay ku heyso dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobolada Jubbooyinka.

Wasiir Dubbe  ayaa sheegay in dowladda ay dhalinyaro tababar ugu dirtay dalka Itoobiya, balse aysan jirin in laga qyeb geliyay dagaalkii ka dhacay Waqooyiga Itoobiya ee dalkaasi.

Maanta ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay banaanbax ay dhigaayeen waalidiinta dhalay dhalinyaradaas kuwaas oo dowladda Soomaaliya ugu baaqay in caruurtooda meel lagu sheego, Sidoo kale madaxweynihii hore ee dalka Xasan Shiikh Maxamuud ayaa shalay sheegay in ay madaxda talada dalka haya ay iibsadeen dhalinyaradaas sida uu hadalka u dhigay.