Waalidiinta dhalay dhalinyaro tababar loogu qaaday Eritria oo dalbaday in caruurtooda meel lagu sheego

9

Boqolaal shacab ah oo u badan waalidiin kuwaas oo dalbanayay in dowladda soomaaliya ay meel ku sheegto caruurtooda oo tababar ahaan loogu qaaday dalka Eritria ayaa maanta isku soo bax isgooska km4 ee degmada hodon ee gobolka banaadir ka sameeyey.

Waxaa uu dibad baxa uu ka dhacay  isgooska Lambar afar si gaar aargada waxaa Isku soobax ka dhigay waalidiin Soomaaliyeed kuwaas oo watay boorar ay ku xardhan yhiin Caruur iyo Madaxweyne Farmaajo Iyo Kan Eritria.

Waalidiintan oo iskugu jira rag iyo Dumar  ayaa sheegay in caruur ay dhaleen ay ka maqan yihiin islamarkaana qaarkood ay lasoo hadleen una sheegeen in lagu xamaalo sidoo kale hal waqti ay wax cunaan kuwa qaarkoodna ay xanuunsan yihiin.

Sidoo kale waalidiinta oo iskugu jiro rag iyo dumar ayaa madaxda dowladda si gaar madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday ayee ka dalbadeen in caruurtooda dib loogu soo celiyo dalka.

Waalidiinta ayaa warbaahinta u sheegay in qaarkood ay maqleen in caruurtooda ay  ka qeyb galeen dagaalkii looga soo horjeeday Kooxda TPLF ee ka dhacay waqooyiga Itoobiya.

Qaar kamid ah Waalidiinta banaanbaxa dhigayay oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay  in dowladda looga baahan yahay in meel ay ku sheegto ilamahooda oo muddo sanado ah ka badan ka maqan.

Dibad baxaan maanta Muqdisho ka dhacay ayaa kusoo aadaya xilli kuwa kale oo kuwaani la mid ah ay hore ugu dhaceen caasimada, sidoo kale waxaa uu imaanayaa xilli dhawaan Warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobay lagu sheegay inay heleen cadeeymo muujinaya in dhalinyaro Soomaali ah ka qeyb galeen dagaalkii ka dhacay gobolka Tigreega ee Itoobiya, kaas oo u dhaxeeyay Ciidamada Itoobiya & Jabhadda TPLF