Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadashay doorashadii ka dhacday deegaanada Soomaaliland

2

Xukuumadda Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay doorashada golaha deegaanka iyo wakiilada Soomaaliland ee ka dhacay deegaanada Soomaaliland.

Wasiirka haweenka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in la baarayo sababta 82 kursi oo Barlamanka Somaliland loo tartamay hal dumar ah looga waayay, sidoo kale 221 kursi oo golayaasha deegaanka ah ay haweenka uga heleen keliya saddex Xildhibaan deegaan oo kaliya.

Doorashada ka dhacday deegaanada Soomaaliland ayaa waxaa ku tartamay xisbiyada Kulmiye, UCID iyo Wadani, iyadoona doorashada sanadkan ku jirin wax haween ah, waxaana durba dhaliilay siyaasiyiin iyo xukuumadda Soomaaliya.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay madaxda Soomaaliland oo ku aadan arinta ay ka dhalatay hadal haynta badan.