R/wasaare Rooble oo agaasimeyaal cusub u magacaabay wasaaradaha Warfaafinta, iyo arrimaha gudaha

5

Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayuu Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ugu magacaabay Mudane Maxamed Xayir Ducaale.

Dhanka kale qoraalka ka soo baxay xafiiska R/wasaare Rooble ayaa lagu yiri” Ka dib markii uu tixgeliyay soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mohamed Hussein Roble waxa uu Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta u magacaabay mudane Saciid Cabdullaahi Calasow.

Lama oga sababta ka dambeysa magacaabista labada masuul.