Qaramada Midoobay oo sheegay in boqolaal kun oo Falastiiniyiin ah ay u baahan yihiin gargaar caafimaad oo deg deg ah

12
A Palestinian flag flies as the ruins of houses, which were destroyed by Israeli air strikes during the Israeli-Palestinian fighting, are seen, in Gaza Strip, May 25, 2021. Picture taken May 25, 2021. REUTERS/Mohammed Salem

Masuuliyiin ka socda Qaramada Midoobay iyo Hay’adda Laan qeyrta Cas ayaa booqday marinka Gaza si ay usoo qiimeeyaan qasaaraha ka dhashay duqeymo ay 11 maalin oo xiriir ah ay ciidamada Yahuuda halkaasi ka wadeen.

Duqeemaha Israel ayaa waxaa ku dhintay in kabadan 250 ruux oo Falastiiniyiin ah oo ay 66 kamid ah ay yihiin caruur halka in kabadan kun ruux oo kalana ay ku dhaawacmeen.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka caafimaadka ee WHO waxa ay sheegtay in loo baahan yahay in gar gaar caafimaad oo deg deg ah lagaarsiiyo dad gaaraya 200,000 oo Falastiiniyiin ah.

Dad ka badan 77,000 oo ruux ayaa ku barakacay weeraradii Israel halka lagu bur buriyay illaa iyo 30 xarumood oo kuwo caafimaadka ah.