Ra’isul wasaare Rooble oo maanta tagay Jowhar.

7

Wefdi uu hogaaminayo, ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo maanta tagay magaalada Jowhar, ayaa kormeerey meelaha fatahaadda webiga Shabeele ay saameyey.

Madaxweynaha Hirshabeele, Cali Cabdulaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo mas’uuliyiin kala duwan ayaa ku wehliyay kormeerka Ra’iisul wasaare Rooble.

Magaalada Jowhar waxaa si aad ay u saameeyay fatahaadda webiga Shabeele, iyadoo degaano badan dadkii ka barakaceen, sidoo kalena dalaga beerihii  ay dhibaateeyeen biyaha.

Wefdiga Ra’iisul wasaaraha ee maanta tagay magaalada Jowhar, waxaa kamid ahaa xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale, iyadoo ra’isul wasaaraha u kuur galay xaaladda dhabta ah ee ka jirta Hirshabeele gaar ahaan Jowhar.

Waa markii ugu horeysay oo Ra’iisul waare, Maxamed Xuseen Rooble, oo safar ku tago Jowhar tan iyo markii xafiiska qabtay bishii September ee sanadkii hore.