Diyaarado dagaal oo duqeymo ka fuliyay Gedo

16

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay diyaarado dagaal ay duqeymo ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Gedo.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in degaannada duqeynta laga fuliyay ay ka mid yihiin Ceelcade, likooley , laheley, Warburay, Burcaleen, dhamase, wargaduudo, qulqul shubaal, balanbaal, muudale, abroone, buusaar cows qurun iyo Darusalam ee gobolka Gedo.

Inta la xaqiijiyay 2 qof oo ahaa Hooyo iyo Cunug ay dhashay ayaa ku geeriyooday duqeynta, halka 7 qof oo kalana ay ku dhaawacmeen duqeynta.

Hooyada ku dhimatay duqeynta ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Sahro Aadan Warsam