Wasaradda Cadaaladda oo markale qaaday imtixaanka bixinta ogolaashaha Notaayda

15

Wasaradda cadalada iyo  garsoorka Xukumadda Federalka Soomaaliya, ayaaa maanta imtixaanka bixinta Ruqsadaha Notaayada ee qeybtii labad Ka qaaday qar kamid ah bushada soo codsatay Ruqsad siinta Nootaayooyinka.

Guddi loo xilsaaray ka shaqeynta hubinta Dukumiintiyada, Imtixaanka iyo Ruqsad siinta dadka soo buuxiyo shuruudaha ayaa waxay isu jireen howlwadeeno ka tirsan wasaaradda cadaaladda Xukumadda Federalka Soomaaliya, Maxkamadda Racfaanka iyo Jaamacadda ummadda Soomaaliyeed.

Wasirka wasaradda cadaladda Xukumadda Federalka Soomaaliya Abadiqaadir Maxamed Nuur, oo furay imtixaanka ayaa sheegay in dowladda ay ku dadaaleyso ka hortagga dukumiintiyada been abuurka ah.