Kalluumeysato lagu la la’yahay xeebaha Muqdisho

50

Koox dhalinyaro kalluumeysato ah ayaa muddo bil ah nolol iyo geeri lagu la’yahay, iyagoona xiriirkooda la waayay markii ay bad-waynta Hindiya u kalluumeysi tageen, taa oo ku dhow magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah ehelka dhalinyada oo la hadlay idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in aysan wax warbixin ah ka heyn halka rasmiga ee ay ku sugan yihiin dhalinyaradaasi.

Magacyada dhalinyaradaasi ayaa waxaa lagu kala sheegay:- Duraan Salaad Cusmaan,  Farxaan Cabdullaahi Maxamuud, Cabdulaahi Salaad Cilmi iyo Xasan Cabdullaahi Xirsi.

Dhalinyarada ayaa xeebta Liido doon ka raacay 4 tii bishii 5-aad ee aynu soo dhaafnay, sida ay sheegeen ehelka.

Cali Daan Calmi oo kamid ah kalluumeystada Soomaaliyeed ayaa sheegay in sanad kasta dhowr qof lagu waayo badda, kuwaasi oo u kalluumeysti tagey.