Ciidanka DF oo rasaas ku furay kolonyo uu la socday Madaxweyne Xasan Shiikh

15

Is rasaaseen u dhaxeysa ciidanka Asluubta ee ku sugan agagaarka maxkamada gobalka Banaadir iyo ciidan ilaalada Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta ka dhacday afafka hore ee Maxkamada Gobalka, iyadoo ay ka dhasheen khasaaro dhaawacyo ah.

Dad goob joogayaal ah iyo xubno kuwa ammaanka ah ayaa markabley  u in askarta ku sugan Kontaroolka Kawaanka Mallaayga ee degmada Xamar Weyne rasaaseeyeen gaari aan xabad karin oo uu saarnaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxayna markaas jawaab kala kulmeen gaari Cabdi Bile ah oo la socday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu yaraan waa markii 4-aad oo ay sanad gudihiis ciidanka Asluubta rasaaseeyaan wafdi halkaas maraya, waxaana ugu dambeeyay rasaastii lagu furay dhaqanka Mudullood.