Xubno ka tiraan Al-Shabaab oo maxkamadeyntoodu ka Socoto Gaalkacyo

16

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa gaar ahaan maxkamadda sare ee Puntland maanta waxaas si toos ah uga bilaabatay dhageysiga kiiska 5 xubnood oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab, kuwaas oo hore ay maxkamadda xukuntay kadib markii lagu eedeeyey iney ka tiraan yihiin Al-shabaab.

Maxkamadda ciidamada dowlad goboleedka Puntland ayaa xubnahan ka tiraan Al-shabaab waxaa ay horay ugu ridday xukun dil toogasho ah.

Ragan  ayaana waxa ay hada soo dhameysteen muddadii racfaanka ahayd ee la siiyay, iyadoona maxkamadda darajada 1aad ee ciidamada maamulka Puntland  Maanta ay u fariisatay wajiga labaad ee Kiiskan ragan ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab

Maxkamadda darajada 1aad ee ciidamada Puntland ayaa hore waxa ay xukuno kala duwan ugu riday xubno lala xiriirinaayo iney ka tirsan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab iyo Daacishta ka dagaalama gudaha Soomaaliya.