Wararkii ugu danbeeyey ee rasaastii galabta lagu furay Mdaxweyne Hore Xasan Shiikh

19

Faah-faahin dheeraad ah oo kasoo baxaya rasaastii lagu furay galabta kolonyadii uu la socday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wararka ayaa sheegaya in hal askari uu kaga dhaawacmay MW Xasan Sheekh, waxaana rasaas badan ay haleeshay gaariga uu saarnaa Madaxweynihii hore ee dalka kaas oo ahaa kuwa aan xabadda karin.

Ciidanka Asluubta ee ku sugan kontaroolka ku yaala agagaarka kawaanka Mallaayga ayaa rasaasta ku furay kolonyada MW Xasan Sheekh, iyadoo markii dambe ay is qabsatay ilaa Maxkamadda Gobalka.

Weerarkan ayaana noqonaya markii 3-aad oo uu Xasan Sheekh Maxamuud la kulmo weerar toos ah 4-tii sano ee ugu dambeysay ee uu xilka haayey madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxaana lagu weeraray hoteel Maa’idda oo ku dhow tiyaatarka qaran, gurigiisa oo ku yaala Isgoyska Mirinaayo iyo kii maanta ka dhacay Maxkamadda Gobalka Banaadir.

Sidoo kale waxaa hawada lagu celiyay diyaarad ay saarnaayeen isaga iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo safar u ahaa markaas magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.