RW Rooble oo magacaabis sameeyay

17

Ra’iisul wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magacaabay laba agaasime oo ka kala howl-geli doona wasaaradaha gaashaandhiga iyo caafimaadka.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble  ayaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga loogu magacaabay Xasan Maxamed Saciid Samatar.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Rooble ayaa  Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada u magacaabay Cabdinaasir Mukhtaar Ibraahim.

Magacaabista xubnahan ayaa ku soo aadeysa, xilli Ra’iisul wasaare Rooble uu Golahiisa wasiiradda ka joojiyay in ay magacaabaan xubno cusub, iyadoo lagu sababeeyay xilligaan lagu jiro ee kala guurka.