Meydka Gabar La La’aa Maalmo Oo Maanta Laga Helay Guri Ku Yaal Muqdisho

16

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Meydka gabar yar oo labadiin maalin ee lasoo dhaafay ay baadi goobayeen qoyskeeda, taasi oo laga dhex helay guri ay daganeyd oo ku yaalla xaafadda Kaawo Godey ee degmada Dharkeenley Gobolka Banaadir.

Gabadhaan oo lagu magacaabi jiray Nafisa Cumar Geelle ayaa Meydkeeda laga dhex helay Digsi weyn oo nooca raashinka lagu kariyo oo lagu dhex qariyay, waxaana jirkeeda ka muuqday Jirdil loo geystay iyo in gacmaha laga xiray.

Nafisa Cumar ayaa la waayay maalintii Axadda aheyd, iyadoona labadii maalin ee lasoo dhaafay ay baafinayeen qoyskeeda, waxaana laga dhex helay gurigii ay deganeyd oo ku yaalla Kaawo Godey, kadib markii guriga laga dareemay Ur, sidaasina lagu helay Meydka oo Digsi ku jira.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa tegay guriga laga helay Meydka, isla markaana halkaas kasoo qaaday Meydka, waxaana baaris ku socotaa xiligaan sida uu u dhacay dilka loo geystay Nafisa Cumar Geelle oo da’ahaan u dhexeeysay 10 ilaa 12 sano jir.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in qoyska Marxuumad Nafisa Geelle ay guriga isla degnaayeen dad farabadan, iyadoona dhacdadaan loo xiray dad ku dhow 7 ruux oo kamid ah dadkii sugnaa Guriga.

Dadka deegaanka xaafadda Kaawo Godey ee degmada Dharkeenley Gobolka Banaadir ayaa siweyn Maanta u hadal haaya dhacdadaan xanuunka badan, waxaana qoyska iyo Ehelada Marxuumada ay arrintan noqotay mid Fajaciso ah