Xukuumadda Oo Shaacisay Liiska Xubnaha Cabashada Laga Keenay Ee Guddiga Doorashada

24

Guddiga Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble u saaray xaqiijinta xubnaha cabashada laga qabo ee Guddiyada Doorashooyinka ayaa soo bandhigay magacyada xubnaha ay cabashada ka muujiyeen Midowga Musharaxiinta.

Guddoomiyaha Guddiga ahna Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare  Eng. Cabdullaahi Abuukar Xaaji ayaa sheegay in guddigu ay shaqo bilaabeen, lana kulmeen dhammaan dhinacyada siyaasadeed oo u soo gudbiyay xubnaha ku jira guddiyada doorashooyinka ee heer Federaal iyo Dowlad-goboleed ee ay cabashada ka muujiyeen.

Afhayeenka guddiga Ra’iisul Wasaaruhu u magacaabay hubinta xubnaha cabashada laga qabo, ahna Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala, ayaa sheegay in soo gaareen 67 xubnood.

Hoos ka Akhriso Magacyada xubnaha Cabashada laga keenay.