RW Rooble oo magacaabay Guddiga Maalmaha Xoriyadda

13

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magacaabay Guddiga Qaban-qaabada Xuska Todobaadka Xorriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo oo sanad walba lagu xuso guud ahaan dalka oo dhan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray guddigan diyaarinta munaasabado muujinaya qiimaha shacabka Soomaaliyeed ay u hayaanmaalmaha maalmaha xurriyadda iyo midnimada.

Guddigan ayaana waxaa guddoomiye wasiirka wasaaradda warfaafinta XFS, Guddigan ayaana waxa ay kala yihiin.

1- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe .

2- Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xundubeey. 

3- Durraan Axmd Faarax Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada
4- Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka Gaashaandhigga
5- Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda
6- Khadiija Maxamed Diiriye Wasiir Gargaarka iyo Maareynta.    Masiibooyinka
7- Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
8- Shugri Maxamuud Afrax Wasiiru Dowlaha Tamarta iyo Biyaha
9- Cumar Maxamuud Maxamed Guddoomiyaha Gobolka Banaadir aha Duqa Muqdisho.
10- Bashiir Axmed Cusmaan Agaasimaha Golaha Wasiirrada Xoghayaha Fulinta.