Jabuuti oo xubno ka tirsan TPLF gacangalisay Itoobiya

1

Wararka ka imanayaJabuuti ayaa sheegaya in dowladda dalkaasi ay Itoobiya u gacan gelisay saddex xubnood oo ay Addis Ababa ku daba joogtay oo ka tirsan ururka dalka laga mamnuucay ee TPLF.

Xubnahan oo isugu jira saraakiil ciidan iyo rayid ayaa waxaa laga dejiyey magaalada Addis Ababa.

Dhanka kale arrintaasi waxaa xaqiijisay dowladda Itoobiya oo sheegtay in raggaas cadaaladda la horgayn doono.

Isla Itoobiyana dowladdu waxa ay xayirtay hantida 12 taliye oo hore uga tirsanaan jiray milateriga dalkaas kuwaas oo ku biiray ururka la mamnuucay ee TPLF.