Musharixiinta oo RW Rooble u gudbiyay liiska xubnaha ay cabashada ka yihiin

15

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa kula kulmay xubno matalayay Midowga Musharraxiinta oo kala ah Madaxweyneyaashii hore Sheikh Shariif Sheikh Axmed, Xasan Sheikh Maxamuud iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Xubnaha midowga musharixiinta ayaa gudbiyay liiska xubnaha ay cabashada ka qabaan ee ku jira guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo dowlad-goboleed iyo guddiga xallinta khilaafaadka.

Xubnaha labadan guddi oo ay soo magacaabeen qaar kamid ah maamul gobolleedyada ayaa waxaa si wayn uga hor-yimid xubnaha midowga musharixiinta. Waxaa ay ku eedeeyen guddiyadan in aysan dhexdhexaad noqon Karin, isla markaasna ay xubno ka yihiin shaqaalo iyo askar ka tirsan Dowladda Soomaaliya.