Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay kaararka codbixiyayaasha Somaaliland

13

Ciidamada dowlad goboleedka Puntland ayaa hawl-gallo ay sameeyeen gaar Cayn waxa ay sheegeen in ay  kusoo qab-qabteen kaararka codbixiyayaasha maamulka  Somaaliland iyo gawaari siday sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay taliska ciidamada maamulkaas.

Taliska ayaana waxa ay sheegeen in kaararka codbixiyayaasha maamulka  Somaaliland isticmaalayeen iyo gawaarida waday ay si dhuumaalaysi ah lagusoo galiyay deegaanno hoos yimaadda magaalooyin ay si gaar ah uga arimiso Puntland.

Labada maamul ee Soomaaliland iyo Puntland ayaa dhowr jeer waxaa dhex maray ciidamadooda dagaal khasaaro kala duwan uu ka dhashay.

Howlgalkan ay ciidamada dowlad goboleedka Puntland maanta kusoo qabteen kaararka codbixiyayaasha maamulka  Somaaliland ayaa waxa uu kusoo aadaya xili maanta deegaanada maamulka Soomaaliland looga dareeray doorashada golaha wakiilada Soomaaliland iyo deegaanka.