Madaxda Maamul goboleedyada oo maanta dib ugu laabanaya deegaanadooda.

10

Madaxweyneyaasha maamulada Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam( Axmed madoobe) ayaa soo geba-gabeeyay safarka ay ku joogaan magaalada Muqdisho, kadib markii heshiis rasmiya laga gaaray arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

labada Madaxweyne , ayaa maanta oo Isniin ah la filayaa in ay dib ugu laabtaan deegaanada Puntland iyo Jubbaland, islamarkaana ay si wadajir ah ay u gudaha galaan wax ka beddelka xubno ka tirsan guddiyada doorashooyinka heer Federaalka.

Heshiiskii arrimaha doorashooyinka ee Muqdisho lagu saxiixay ayaa qodob kamid ah qeexayay in isbeddel lagu sameeyo xubnaha ka tirsan guddiyada doorashooyinka, kuwaas oo cabasho laga muujiyay.

Xubnaha cabashada laga muujiyay ayaa u badan shaqaale ka tirsan dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka oo loo arko in aysan dhex-dhexaad noqon karin