Madaxweyne Biixi iyo hoggaamiyaasha mucaararadka Soomaaliland oo maanta codkooda dhiibtay

5

Deegaanada Somaliland ayaa waxaa saaka ka bilaabatay codeynta doorashada golaha wakiilada iyo kuwa deegaanka.

Dadweynaha ayaa saaka codkooda ka dhiibanayay xarumaha codbixinta oo gaaraya 2,709.

Waxaana kamid ah dadka codkooda dhiibtay hoggaamiyeyaasha mucaaradka Cabdiraxmaan Cirro iyo Feysal Cali Waraabe.

Sidoo kale waxaa codkiisa dhiibtay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Magaalada Hargeysa waxaa ilaa shalay gaaray madax badan oo ka kala socota dalal iyo ururro kala geddisan, si ay ula socdaan habka doorashada ay u dhacayso.

Magaalada Hargeysa waxaa ilaa shalay gaaray madax badan oo ka kala socota dalal iyo ururro kala geddisan, si ay ula socdaan habka doorashada ay u dhacayso.

Waxaana doorashadan isku diwaangeliyay 1,065, 847 qof.

Doorashadan ayaa noqoneysa tii toddobaad tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.