Guddoomiye Mursal iyo jawaari oo ka wada hadlay xaalada dalka.

2

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka  Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa magaalada Muqdisho kaga qeyb galay kulan qado sharaf ah oo uu sameeyay guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur Galbeed C/Casiis Xasan Maxamed (lafta gareen), Madaxweynihii hore ee Koofur Galbeed  Shariif Xasan Sheekh Aadan, guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka  Xildhibaan Aadan Madoobe iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiya golaha shacbaka Soomaaliya Maxamed Mursal iyo masuuliyiinta kale ee kulankan maanta qeybta ka ahaa ayaa ayaa waxa ay ka wada hadleen xaalada guud ee dalka iyo arrimaha doorashada oo dhawaan heshiis laga gaaray.