Shiikh Shariif oo mar kale ka hadlay heshiiska dhawaan laga gaaray arrimaha doorashada

7

Kadib markii dhawaan heshiis rasmi ah laga gaaray arrimaha doorashooyinka ee dalka ayaa waxaa magaalada muqdisho ka socday kulamo siyaasadeed kuwaas oo ay sameynayaan madaxda dowlad goboleedyda dalka ee heshiiska doorashada qeybta ka ahaa.

Madax kala duwan ayaana soo dhaweysay heshiiskaas laga gaaray arrimaha doorashada madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo kamid ah siyaasiinta sida weyn ugu ololeynaayey in doorashadu ay ku dhacdo si dhaqso leh ayaa kamid ah dadka inta badan dhaliilsanaa habka loo maamulaayey doorashada , waxaana uu soo dhaweeyay heshiiskii doorashada ee dhawaan lagu gaaray Magaalada Muqdisho si dalka ay uga dhacdo doorasho hufan.

Shiikh Shariif oo xalay ka qeyb galay kulan ay inta badan ka qeyb galeen xubnaha ugu sareeya golaha midowga musharaxiinta sidoo kalena ay kasoo qeyb galeen Madaxda dowlad goboleedyada ee heshiiska qeybta ka ahaa  ayaa waxa uu si weyn mar kale uga hadlay doorkii ay ka qaateen in heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka oo muran ka taagnaa.

Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta ahna Madaxweynihi hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaana waxa uu u mahad celiyey cid kasta oo uu sheegay iney ka hortagtay in dalka uu xiligan galo dagaal sokeeye, sidoo kale ciidamada qalabka sida iyo madaxda dowlad goboleedyada dalka ayuu tilmaamay in marxalad culeyskeeda leh ay soo mareen dhamaantood islamarkaana uga mahad celiyey doorkii ay ku lahaayeen.

Sheekh Shariif ayaa hadalkiisa uu intaasi ku sii daray in dadka Soomaaliyeed ay muujiyeen inay yihiin kuwo u bisil dowladnimada una diyaarsan doorasho loo dhan yahay oo ka dhacda dalka oo dhan.

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maalintii khamiista ahayd waxaa uu sheegay in xukuumadiisu xooga saari doonto sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho loo dhan yahay oo lagu wada qanacsan yahay.