R/wasaare Rooble oo magacaabay guddi wasiiro ah oo ka shaqeynaya doorashooyinka

17

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa guddi heer wasiir ah u magacaabay xaqiijinta caddeymaha xubnaha Guddiga Maamulka doorashada ee labada heer ee ay cabashadu ka jirto sida ku cad qodobka 1aad ee Hishiiskii Gollaha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka .

“Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa guddi heer wasiir ah u magacaabay xaqiijinta caddeymaha xubnaha Guddiga Maamulka doorashada ee labada heer ee ay cabashadu ka jirto sida ku cad qodobka 1aad ee Hishiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka. ” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska R/wasaaraha.

Guddigan uu magacaabay R/wasaaraha Soomaaliya ayaa qeyb ka ahaa qodobadii aay dhawaan ku heshiyeen Raysal wasaare Rooble, madaxda maamul goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Magacaabista guddigan ayaa ka mid noqoneysa dardargelinta howlaha doorashooyinka ee horyaala dhameystirkeeda Xukuumadda Soomaaliya.