Muuse Biixi oo ka hadlay doorashooyinka beri ka bilaabanaya deegaanada Soomaaliland

5

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa waxaa uu ka hadlay doorashooyinka beri ka bilaabanaya doorashooyinka goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka, waxaa uuna shacabka ka dalbaday in ay si nabad ah codkooda u dhiibtaan.

Madaxweyne Biixi ayaa xildhibaannada golaha wakiillada ee xilku kasii dhammaanayo ku ammaanay kaalinta ay ku lahaayeen doorashada iyo shaqadii ay qabteen 15 kii sano ay xafiiska joogeen.

“Dhallinyarada Somaliland waxan leeyahay sidii quruxda badnayd ee aad ololaha u gasheen, uga hawlgala doorashada, waayeelkiinna caawiya, ka buka caawiya, askarta la shaqeeya oo muujiya qarannimadii aad muujiseen”.

Madaxweynaha Soomaaliland ayaa sheegay in safiirrada iyo Diblomaasiyiintii Yurub iyo Maraykanka u jooga dalalka Bariga Afrika iyo siyaasiyiin badan ay ku soo dhaweeyeen Hargaysa islamarkaana ay qiimaynayaan hormarka ay dhanka doorashooyinka ka samaysay Somaliland.

Muuse Biixi Cabdi oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri“Haddii Lacag wax tarayso, haddii ciidamo Ajnabi ah wax tarayaan Dawlada taagta daran ee XAMAR ka jirta ayay waxtari lahaayeen. Waxaan qabaa in haddii ay gudahooda isku tashadaan ay wax qabsan lahaayeen.”