Cali Ciid oo wasaarada arrimaha gudaha Galmudug ku eedeeyay inay ka gaabisay dib u heshiisiinta Galmudug

9

Madaxweyne ku xigneeka Dowlada Galmudug mudane Cali Daahir Ciid ayaa kormeer ku tagay wasaaradda arimaha gudaha fadaraalka iyo dib-u-heshiisiinta Galmudug.

Siihayaha wasiirka ahna wasiir ku xigeenka wasaaradda Arimaha gudaha Galmudug Axmed Cisman Adaan ayaa madaxweyne ku xigeenka ku soo dhaweeyay xarunta wasaaradda isagoo oga warbixiyay howlaha ka socda wasaaradda arimaha gudaha Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sheegay in wasaaradda arimaha gudaha Galmudug ay ka gaabisay howlihii dib-u-heshisiineed oo muhiim u ahaa guud ahaan Galmudug

Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in wasaaradda arimaha gudaha fadaraalka iyo dib-u-heshisiinta Galmudug loo soo magacaabi doono wasiir waxaana inta lasoo magacaabayo siihaye ka ah wasaaradda wasiir ku xigeenka wasaaradda Axmed Cismaan aadan.