Axmed Madoobe iyo safiirka Itoobiya ee Soomaaliya oo ku kulmay Muqdisho

12

Madaxweynaha Dowladd goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa hoyga uu Magaalada Muqdisho ka dagan yahay kulan kula qaatay Safiirka Itoobiya u jooga Soomaaliya Danjire Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya iyo heshiiskii doorashooyinka dhawaan ay madaxda Soomaalida ku gaareen magaalada Muqdisho.

Axmed Madoobe ayaa u mahadceliyay safiirka Itoobiya u fadhiya ee Soomaaliya sida ay u taageerayaan arrimaha Soomaaliya iyo dadaalada ay ku bixiyaan horumarka Soomaaliya

Sidoo kale Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay in ay Itoobiya ay taageersan tahay heshiiska ay wada gaareen madaxda Soomaalida iyo islamarkaana ay si weyn ula shaqeyn doonaan maamulka Jubbaland