Turkiga oo war ka soo saaray heshiiska laga gaaray khilaafkii doorashada

1
Turkey's Foreign Affairs Minister Mevlut Cavusoglu holds a press conference in Tokyo on November 6, 2018. (Photo by Martin BUREAU / AFP)

Dowladdan Turkiga ayaa soo dhoweysay saxiixa heshiiska doorashada, kaasi oo ay wada gaareen hoggaamiyeyaasha Soomaalida.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa madaxda Soomaalida lagu boorriyay in ay fulliyaan heshiiska ay gaareen, si doorashada ay waqtigeeda ugu dhacdo.

“Waxaan soo dhaweyneynaa gunaanadka wadahadaladii uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble la xiriiray hanaanka doorashada Soomaaliya iyadoo lala yimid tanaasul iyo heshiiskii maanta la saxiixay” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga.

Sidoo kale Turkiga ayaa garab istaag u muujiyay shacabka iyo dowladda Soomaaliya, isagoona tilmaamay in taageerayo doorasho daah-furan oo Soomaaliya ka dhacda.