QM oo ku baaqday in si deg deg loo gudo galo qabashada doorashooyinka

2

Iyadoo shalay ay hoggaamiyeyaasha Soomaalida wada saxiiixdeen heshiis laga gaaray khilaafkii doorashada, ayaa waxaa heshiiskaasi taageeray xoghayeha  guud ee qaramada midoobay Antonia Guttres.

Guterres ayaa madaxda Soomaalida ku booriyay in madaxda Soomaalida ay si dhakhso leh u hirgeliyaan heshiiska ay gaaareen, isla markaasna ay doorashada ku dhacdo daah-furnaan aan laheyn dib u dhac.

Xoghaya Qaramada midoobay ayaa madaxda Soomaalida ugu baaqay in si deg deg ah loo dhiso guddiyo lagu kalsoonaan karo oo maamula doorashooyinka heer federaal iyo heer maamul goboleed.

Antonia Guttres ayaa sheegay in Qaramada Midoobay dowladda Soomaaliya ka taageereyso hirgelinta heshiiska doorashada ee Sebtember 17 iyo qabashada doorasho hufan oo waqtigeeda ku dhacda.