Kuuriyada Koofureed oo shaacisay Malaayiin dollar ay ku bixineyso dib u dhiska Gaza

35

Kuuriyada Koofureed ayaa khamiistii ballan qaaday $ 1.5 milyan oo gargaar maaliyadeed ah oo lagu taageerayo Falastiiniyiinta dhibaatada ka soo gaartay duqeyntii cirka ee Israa’iil ka geysatay marinka Qaza.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Koonfur Kuuriya ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in dowladda ay qorshenynayso inay ku bixiso 1.5 milyan oo doolar si loogu taageero howlaha Qaramada Midoobay ee Gargaarka Falastiiniyiinta.

Lacagtan ayaa looga dan leeyahay inay caawiso dadka Gaza “ee wajahaya caqabadaha ka dhashay weerardii Israel ee dhowaa, ayna kaalin ka gaysato dib u dhiska goobaha adeegyada ee Gaza…taasi oo ay sii dheer tahay guryihii la burburiyey” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee K.Koofureed.

Duqeymaha Israel ee Gaza ayaa billowday 10-kii May kadib rabshado ka dhacay masjidka Al-Aqsa ee magaalada Qudus oo keenay inay Xamas gantaallo ku tuurto Israel.