Jabbuuti oo baaq u dirtay madaxda Soomaalida

2

Dowladda Jabuuti ayaa soo dhoweyneysaa heshiiska ay wada gaareen madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada, kaasi oo lagu go’aamiyay in 60 maalmood gudahood lagu qabto doorashooyinka.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibada ee Jabuuti ayaa waxaa madaxda Soomaalida lagu boorriyay in ay si buuxda u fulliyaan heshiiska ay gaareen.

“Jabuuti waxay ku dhiiri galineysaa dhamaan daneeyayaasha siyaasada Soomaaliya inay si buuxda u fuliyaan heshiiskan si looga hortago xasilloonida iyo amni darrada. Jabuuti waxay taageereysaa howshan waxayna muujineysaa rajada ay ka qabto in Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Soomaaliya ay sii waddo dadaalkeeda ku aadan wadada xasiloonida, nabadda iyo horumarka.” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka wasaaradda arrimaha dibadda Jabuuti.