Qarax ka dhacay Baydhabo iyo khasaare ka dhashay

4

Qarax ismiidaamin ah ayaa goordhow waxaa uu ka dhacay suuqa lagu iibiyo Qaadka ee ku yaalla magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya qaraxa uu ka dhacay maqaayad ku taala Suuqa, islamarkaana halkaasi ay ku sugnaayeen askar iyo dad shacab ah.

Inta la ogyahay saddex qof ayaa ku geeriyootay, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen. Dadka ku dhaawacmay weerarka ayaa la dhigay isbitaalka magaalada Baydhaba.

laamaha amniga ee maamulka Koofur Galbeed ayaan weli faah-faahin ka bixin qaraxa iyo khasaaraha rasmiga ee ka dhashay.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, balse weeraradan nuucaan ah waxaa fuliya Al-Shabaab.