Midowga Yurub oo ka hadlay heshiiska laga gaaray khilaafkii doorshada

4

Midowga Yurub ayaa taageeray heshiiskii ay shalay ay wada saxiixdeen hoggaameyaasha Soomaalida, kaasi oo qeexaya in 60 gudahood lagu qabto doorashooyinka.

Madaxweyne ku-xigeenka midowga Yurub Josep Borrell oo bayaan soo saaray ayaa waxaa uu sheegay in uu taageerayo dedaalada uu garwadeenka ka yahay Ra’iisul wasaare Rooble.

“Waxaan soo dhoweyneynaa dadaallada uu wado Ra’iisul Wasaare Rooble ee wadatashiyada wax ku oolka ah ee u dhexeeya hoggaanka federaalka iyo maamul goboleedyada. Doorashooyinka waa in lagu qabto dib u dhac la’aan” ayuu yiri Josep Borrell.

Isagoo sii hadlaya ayaa waxaa uu yiri “Midowga Yurub wuxuu diyaar u yahay inuu sii wado taageeradada Soomaaliya”