RW Oo Ka Hadlay Marxalada uu soo maray heshiiska Doorashada

6

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo khudbad kooban ka jeediyey shirka wadatashiga qaran ee arrimaha doorashooyinka ee ka socda Teendhada Afisiyooni ayaa waxa uu ka hadlay arrimaha la isku haayey.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay in dhamaan laga heshiiyay qodobadii ay caqabadaha ka taagnaayeen kuwaas oo ku saabsanaa arinta doorashada.

Rooble ayaa shaaca ka qaaday inta qodob ee ay uga heshiiyeen shirarkoodii ugu danbeeyey kuwaas oo  ay kamid yihiin,  Amniga doorashooyinka Arrinta Gobolka Gedo, khilaafkii arrinta Gobolada Waqooyi  ee Soomaaliland sidoo kale in lasoo celiyey is aaminadii Madaxda dowladda Soomaaliya  & dowlad goboleedyada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaana ugu danbeyntii u mahah celiyay dhamaan madaxda dowlad Goboleedyada dalka iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisu uu dhamaaday ee maxamed Cabdullahi Farmaajo kuwaas oo uu sheegay inay lahaayeen in laga heshiiyo doorashada oo muran xooganaa uu ka taagnaa.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay siyaasiinta in aysan si qaldan wax u raadin balse waxkasta ay isaga horyaalaan.