Shir looga hadlay sugida amniga magaalada Beydhabo

5

Wasiirka wasaaradda amniga dowlad-gobolleedka Koofur Galbeed, Isxaaq Cali Subug ayaa maanta shir guddoomiyay shirka Golaha Amiga Koofur Galbeed.

Shirka, oo ah mid toddobaadle ah ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Qeybta 60-aad, Booliska , Nabad-sugida,  saraakiil ka kala soctay dowladda Ingiriiska iyo AMISOM.

Shirka ayaa waxaa looga hadley amniga deegaanada Koofur Galbeed gaar ahaan, xaaladihii u dambeeyay ee magaalada caasimada kumeel gaarka ah ee Beydhabo iyo sidii wax looga qaban lahaa  dhacdooyinkii maalmahaan ka dhacayay Magaalada.

Saraakiisha ciidamada laamaha amaanka ayaa la farey in ay joogteeyaan howlgallada lagu xaqiijineyo ammaanka  magaalada Baydhabo.

Wasiirka amniga dowladda Koofur Galbeed ayaa bulshada  ka codsadey in ay la shaqeyaan laamaha amaanka si looga hortago falalka amni darada keeni kara.