Madaxweyne Deni oo ka hadlay wadahadala Soomaaliland iyo Soomaaliya.

2

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Deni oo khudbad kooban ka jeediyey shirka lagu soo xiraayo heshiiskii ay wada gaareen madaxda Dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ayaa waxa uu ka hadlay arinta  ah wadahadalada Soomaaliland iyo soomaaliya isaga oo sheegay iney muhiim tahay in laga shaqeeyo midnimada Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Siciid Deni oo ka hadlay arrimaha doorashada ayaa waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in dalkan ay ka dhacdo doorasho lagu wada qanacsan yahay taas oo ku dhacda si nabdoon.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “waxaan u baahanahay inaan ka wada shaqeyno sidii dalku u aadi lahaa doorasho xor iyo xalaal ah taas oo lagu wada kalsoon yahay “